1st Annual Event

Kulanka 1aad ee Sannadlaha ee Masuuliyiinta Soomaali-Mareykanka ah ee la doortay

“Kulan-wadareed”
|BRC | Dec 13, 2021

ARAR

Xarunta Cilmibaarista Bayaan oo ah xarun bulsheed, oo aan faa'iido doon ahayn, isla markaana abuuraysa deegaan-aqooneed togan, iyada oo loo marayo abuurista baraarug, diyaarinta hoggaamiyayaal, iyo dhisidda bulshada, waxa uu daah furkeedu ahaa Jannaayo 10, 2021.

Kulan-wadareedkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay BRC, wuxuuna ka dhacay Minnesota, kulankaan ayaa qayb ka ahaa kulanno loogu talagalay in arrimaha siyaasadeed ee Soomaalida gudaha iyo dibaddaba lagu gorfeeyo. Munaasabaddan oo ay martigelisay BRC ayaa waxaa goob joog ahaa dhammaan Masuuliyiinta Soomaali-Mareykanka ah ee xilalka kala duwan loo doortay, waxaa daadihinayay isla markaana qaybinayay hadalka Maxamuud Dulyadayn.

Ugu horrayn, Sh. Maxammed Shucayb oo kamid ah aasaasayaasha –BRC- ahna Guddoonka guud ee Xarunta ayaa qaatay kelimadda furitaanka iyo soodhowaynta. Intii uu hadal jeedinta ku jiray Guddoomiye Shucayb waxaa uu u mahadceliyay dhammaan masuuliyiinta kasoo qayb galay munaasabadda, isaga oo si gaar gaar ah u xusay. Soodhowayn iyo mahadcelin kadib waxa uu guddoomiyuhu sharraxay ujeeddada iyo qorshaha shirkaan oo ah midkii ugu horreeyay oo noociisa loo qabto masuuliyiinta xilalka kala duwan u haya Soomaalida.

Guddoomiye Shucayb ayaa sheegay in ajandaha kulan-wadareedkaani yahay:

1. In la isla meel dhigo arrimaha hortebinta u leh jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka.
2. In la gorfeeyo arrimo muhiim u ah jaaliyadda sida; waxbarashada, amniga, guriyaynta iyo arrimaha dhaqaalaha.
3. Isxog-waraysi iyo talo-wadaag u dhaxeeya masuuliyiinta iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Intaas kadib, Dulyadayn ayaa guda galay weydiimo uu waydiinayo masuuliyiinta, weydiinta 1aad waxa uu waydiiyay Ilhaan Cumar1 . Ilhaan oo wax laga waydiiyay Soomaaliya iyo qorshaheeda ku aaddan ayaa ugu horrayn mahad ballaaran u jeedisay BRC. Sidoo kale, Ilhaan ayaa sheegtay in ay door muuqda ka qaadan doonaan doorashada Soomaaliya ka socota, Sidoo kale waxay sheegtay in gargaarka lasiiyo Soomaaliya ay laba jibbaareen, isla jeedkaana ay hay’adaha khuseeya kala shaqaynayaan sidii tiarkoob sax ah lagu samayn lahaa.

Dhanka kale, Deeqa Dhalac, oo ah Duqa Magaalada Maine ayaa sidoo kale ka sheekaysay hayaankeedii dheeraa ee la xiriiray gaaritaankeedii booska ay joogto. Deeqo ayaa sheekadeedu waxay ahayd dhiirrigelin iyo erey martiyeed oo ka turjumayay kartida hablaha Soomaaliyeed iyo muhiimadda ay leedahay ka go’naanta iyo doonistu.

Intaas kadib, Cumar Faatax2 iyo Maxamuud Nuur ayaa iyaguna ka sheekeeyay muhiimadda iskuduubnida iyo midnimadu leedahay.

1: Kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Dalka Maraykanka, Ahna xubin ka tirsan Koongareeska Maraykanka

2: MN State Senate District 62.

| BRC | Dec 13, 2021 |http://www.Bayanresearch.org/

Hodon, ayaa dhankeeda iyaduna ka xog bixisay dhibaatadii uu geystay caabuqii Karoonaha iyo waliba dhibaatada ay kala kulmeen Soomaalidu arrimaha la xiriira guriyaynta.

Dhanka kale, intii lagu guda jiray kulanka Ustaad Xassan Xade ayaa soobandhigay barnaamij ku saabsan Xarunta Cilmibaarista ee Bayaan – BRC. Barnaamijkaas ayaa diiradda saarayay yoolasha, hiigsiga iyo qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee xarunta. Iyo sidoo kale shaqooyinka ugu muhiimsan ay qabato.

Kulanka oo ahaa runtii kulan aan noociisa horay uga dhicin Minnesota, ayaa dadweynihii kasoo qayb galay ku waydiiyeen su’aalo muhiim ah. Waxyaalihii kasoo baxay weydiimahaas waxaa kamid ahaa:

In ay muhiim tahay in la beddelo hab-fekerka, si ay guul u gaaraan dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Maraykanka.
Dhibaatooyinka soo wajaha dhallinyarada in ay keenaan arrimo la xiriira fursadaha oo yar ama aan jirin [Lack of Opportunity].
In ay waajib tahay in la caawiyo, la garab istaago oo la daryeelo dadka ku dhibban shaaracyada iyo kuwa aan haysan hoyga.

GUNAANAD

Ugu danbaynna, Sh. Maxamed Shucayb, ayaa ugu dambayn soo xiray kulan-wadareedka. Dhanka kale, Shucayb ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Ilhaan Cumar oo kaalin muuqata ka qaadatay u doodista arrimaha muslimiinta, gaar ahaan arrimaha jaaliyadaha Soomaaliyeed. Sh. Maxamed Shucayb, isaga oo uga mahadceliyay dhammaan masuuliyiinta soo ajiibiddooda, waxa uuna u rajeeyay horumar iyo dadaal miro dhala, iyo in la joogtayn doono kulannada noocaan ah.

Haddaba kulan-wadareedka oo dhammaystiran lifaaqa hoose ka daawo:

https://www.facebook.com/SOMTVMN/videos/235629478681839

By clicking on you, you agree to our Terms of Service and Privacy Policy.