Zakat
Volunteer
Community Impact
.
Bayan Survey
Survey
Laascaanood Survey
Adolescents Survey
Somali Us Election Survey
English
Support BRC
Home
About Us
What We Offer
Bayan Program
Substance Use
Mental Health
Housing & Homelessness
Think & Tank
End of Life Core Planning
Education & Youth Development
Dinnta & Dunida
Tayo
Bayan Survey
Survey
Laascaanood Survey
Volunteer
Community Impact
Bayan Research
Climate Change
Contact Us
English
Support BRC
Laascaanood Survey
Bayan Research Survey
WAVE 2 | AUGUST
Dagaalka Laascaanood:
Aragtida Dadwayanaha ee Ku Aadan Asalka Dagaalka, Saamaynta iyo Rajada Nabadda ee Gobolka SSC- khaatumo.
HORDHAC (ARAR)
Tan iyo dhamaadkii sanadka 2022ka, waxaa ka socday deegaannada SSC-khaatumo dagaal u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidammada Somaliland. Dagaalku wuxuu sababay khasaare naf iyo maalba leh, barakac baahsan, burbur hantiyeed iyo duqayn goobaha bulshada sida Masaajidda, Isbitaallada, Iskuullada, iyo Goobaha-ganacsiga. Wuxuu kaloo saamayn ku yeeshey dagaalku nolol maalmeedka bulshada, ammaanka, iyo horumarka deegaanka. Haddaba, xarunta Cilmi-baarista ee Bayaan waxay samaynaysaa xog-ururin ku aadan dagaalka ka socda gobolka Sool. Xog-uruurintaan waxay muhiim u tahay in si cilmiyaysan loo darso sida dagaalku ku billowday, saamaynta dhaqan-dhaqaale ee uu gaystay, sida dagaalku u saamayn karo doorashooyinka Somaliland iyo Puntland, doorka uga furan Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyo saadaal ahaan meesha uu ku danbayn doono masiirka gobolka SSC-khaatumo. Sidaas awgeed, xarunta Cilmi-baarista ee Bayaan waxay si sharaf leh kaaga codsanaysaa inaad ka qayb qaadatid xog-ururintaan. Xarunta Cilmi-baarista Bayaan waxay ballan qaadaysaa in ay ilaaliso xogta gaarka ah ee xogbixiyaha.
Su’aalaha Guud
1. Da’da Xogbixiyaha *
B. Ka yar 18
T. 18-35
J. 36-53
X. Ka weyn 54
2. Jinsiga Xogbixiyaha*
B. Lab
/
T. Dhedig
3. Heerka Waxbarashada Xogbixiyaha;
B. Waxbarashada Dadban (NFE)
T. Dugsi hoose dhexe
J. Dugsi Sare
X. Diblooma
KH. Haysta Shahaadada Heerka Koobaad ee Jaamacadda (Bachelor Degree)
D. Heerka labaad (Master)
R Heerka saddexaad (Doctorate)
4. Deegaanka Xogbixiyaha. *
B. SSC/Khaatumo
T. Puntland
J. Somaliland
X. Koonfurta & Bartmaha Somalia
KH. Muqdisho
D. Dalka Dibadiisa
5. Shaqada Xogbixiyaha; *
B. Shaqaale Dawladeed
T. Shaqaale Hay’adeed (Tusaale; NGO/INGO/UN)
J. Ganacsade/ Xoogsade
X. Shaqa laawe (Baaga-muuddo)/(Hawlgab)
Next
Su’aalaha Gaarka ah/ Mawduuca Khuseeya
1 : Maxaa sababay colaadda ka taagan deegaannada SSC-khaatumo ? *
B. Duullaanka Somaliland
T. Kala aragti duwanaansho hoggaanka deegaanka
J. Argagixiso
X. Xasillooni darro siyaasadeed
Kh. Colaad Qabiileed
D. Intaba
2 : Maxay tahay saamaynta bulsho ee dagaalku ku yeeshay dadka reer SSC- khaatumo ? *
B. Barakac
T. Dhimasho iyo dhaawac
J. Burbur deegaan
X. Waxbarasho la’aan
KH. Kala-irdhoobid bulsho
D. Intaba
3 : Maxay tahay saamaynta dhaqaale ee uu dagaalku ku yeeshay gobollada SSC iyo guud ahaan deegaannada Soomaalida ? *
B. Burbur kaabayaal dhaqaale
T. Sicir barar
J. Saamayn taban ee isu socodka ganacsiga
X. Intaba
4 : Muxuu yahay kaalinta Nabadoonnada/Isimmada, Culimmada, Aqoonyahanka iyo Haweenka Soomaliyeed ay ka gaysteen xal-uhelidda colaadda ka aloosan deegaannada SSC-khaatumo ? *
B. Saamayn fiican (Togan)
T. Wax saamayn ah kuma yeelan
J. Ma hubo.
5 : Maamulka Puntland qayb ma ka yahay colaadda ka taagan deegaannada SSC-khaatumo ? *
B. Bulsho ahaan ayuu qayb uga yahey
T. Dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan ayuu qayb uga yahey
J. Ciidan ahaan ayuu qayb uga yahey
X. Puntland qayb kama aha dagaalka deegaannada SSC ka socda
6 : Maxaad ku qiimayn kartaa kaalinta gargaar iyo midda siyaasadeed ee Dawladda Federaalku ka gaysatay dagaalka ka socda deegaannada SSC-khaatumo ? *
B. Aad u fiican
T. Fiican
J. Caadi
X. Liidata
KH. Aad u liidata
7 : Colaadda ka taagan deegaannada SSC-khaatumo saamayn ma ku yeelan karaan dooroshooyinka ka qabsoommi doona Somaliland iyo Puntland ? *
B. Haa
T. Maya
J. Ma garan karo
8 : Dagaalka ka socda deegaannada SSC-khaatumo maku yeeshay saamayn qadiyadda gooni isu-taagga iyo ictiraafka Somaliland ? *
B. Haa, dagaalku wuxuu dhiciseeyay qadiyadda gooni isu-taagga Somaliland
T. Saamayn ayuu ku yeelan doonaa
J. Maya, wax saamayn ah kuma yeelan doono
9 : Ma kula tahay in dagaalku ku fidi doono deegaannada kale ee Soomaaliya hadii colaaddu sii socoto ? *
B. Haa
T. Maya
J. Ma hubo
10 : Hoggaanka cusub iyo golaha dhexe ee loo doortay SSC- khaatumo ma yahay mid xaqiijinaaya ahdaafta iyo danaha deegaannada SSC – khaatumo ? *
B. Haa
T. Maya
11 : Maxaad ku saadaalin lahayd xal-uhelidda qadiyadda SSC-khaatumo ? *
B. In SSC-khaatumo loo aqoonsado maamul goboleed madax bannaan
T. In si ku meel gaar ah loo hoos geeyo Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS)
J. In la raaciyo labada maamul ee Somaliland ama Puntland hadba kan reer SSC-khaatumo ay doortaan
X. In ay ahaato sida hadda ay tahay
KH. Afti umadeed in loo qaado
Prev
Submit Now