.

Support BRC

Daraasad ku Saabsan Hoggaanka Dawladda Dhexe ee Soomaaliya

Aragtida Dadweynaha Soomaaliyeed ee Ku Aaddan Hoggaaminta, Aragtida iyo Go’aan qaadashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Hordhac

Ujeeddada sahankan waa in uu soo ururiyo aragtida dadweynaha Soomaaliyeed ee ku aaddan hoggaaminta, go'aan qaadashada iyo waxqabadka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddada uu xilka hayo.

Mac'hadka Bayan wuxuu uruurinayaa jawaabo ku saabsan dhinacyada kala duwan ee maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka midyihiin qaabkii uu u maareeyey caqabadihii waaweynaa, dadaalladiisii midnimada qaranka, maaraynta arrimaha amniga iyo hindisayaashiisii dhaqaale.

Sahankan waxaa kale oo uu diiradda saarayaa fikrado iyo dhacdooyin gaar ah sida: damaca Itoobiya ee xeebaha Soomaaliya, khilaafaadka gudaha Soomaaliya, gaar ahaan SSC iyo Somaliland, xaaladaha amni, wax ka beddalidda dastuurka iyo is-fahan waaga doorashooyinka muddo xileedka uu Madaxweyne Xasan talada hayo.

Ka qayb-qaadashadaada sahankan waa muhiim, waxayna aragtimo mug leh ku biirin doontaa doodaha ku saabsan hoggaaminta, maamul wanaagga madaxweyne Xassan iyo jihaynta mustaqbalka Soomaaliya.

Sidaa awgeed, Xarunta Cilmi-baarista ee Bayan, waxay si sharaf leh kaaga codsanaysaa inaad ka qayb qaadatid xog-ururintaan. Bayan waxay ballan qaadaysaa in ay ilaaliso xogta gaarka ah ee xogbixiyaha.

Demographic Information



/



Key questions: